in

Xamza oo kulankii u horeeyay la yeeshay safiirka cusub ee Itoobiya, kala hadlay arrin…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Danjire Mukhtaar Maxamed Waare.

Ra’iisul Wasaare Xamza iyo Danjire Waare ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Kulanka Xamze iyo Waare ayaa sidoo kale waxaa diirada lagu saaray dhinacyada amniga iyo la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab, oo Itoobiya ay qeyb ka tahay howl-gallo wada-jir ah oo dhawaan bilaaban doona.

Safiirka cusub ee dowladda Itoobiya ayaa dhawaan waxaa qasriga madaxtooyada ku qaabilay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub.

Qaabilaadda kadib danjire Mukhtar Mohamed Waare ayaa madaxeynaha la wadaagay dhambaal iyo salaan uu uga siday dhiggiisa dalka Itoobiya Marwo Sahle-Work Zewde.

Sidoo kale waxa uu uga mahad-celiyey soo dhoweynta diiran ee uu kala kulmay dowladda Soomaaliyeed, islamarkaana loogu sameeyay xarunta Villa Soomaaliya.

Safiirka ayaa sidoo kale soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xoojinta xiriirka iyo wax wada qabsiga ku qotoma danaha qaran ee labada dowladood.

Danjiraha cusub ee Itoobiya ayaa maalmo kahor soo gaaray Muqdisho, waxaana kusoo dhaweeyay Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Abshir Jaamac Cumar (Huruuse) oo ku qaabilay xafiiskiisa wasaaradda oo ay ku yeesheen wada-hadallo gaar ah.

Si kastaba, Itoobiya ayaa kamid ah dalalka xiriirka la leh Soomaaliya, waxayna qeyb ka tahay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxaana ciidamo ay ka joogaan Soomaaliya.



Source

What do you think?

Written by Ethiotime1

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

GIPHY App Key not set. Please check settings

Olivia Culpo Embraces Romantic Dressing in Black Zuhair Murad Gown at Blossom Ball 2023

Rising poverty, inequalities threaten Sustainable Development Goals – New Business Ethiopia